Wasaarada Cadaalada dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa bilaawday qorsho looga hortagayo Goobo la sheegay in lagu daawado waxyaabaha anshax xumada ah.
Wasiirka Wasaarada Cadaalada  Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradu ay diyaar u tahay xiligaan in ay ka hortagto wax kasta oo keeni kara anshax xumo.
Waxa uu sheegay Wasiirka in Puntland ay sidoo kale qorsheyneyso in ay sida Al-Shabaab oo kale ula dagaalanto dadka furanaya Goobaha lagu daawado waxyaabaha ansahx xumada ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Cadaalada