Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu arkay waxyaabo dadka ku nool Magaaladaas ay aad uga argagaxeen,kuwaas oo iyaga oo jawi hoose ku socda lagu arkay Hawada Magaalada Jalalaqsi.
Maamulka degmada Jalalaqsi oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in xalay la’arkay waxaybo aad u weyn oo iftiimaya maadaama ay aheyd xili habeen ah,isla markaana dadka magaalada ay sheegayeen in ay u arkaan waxyaabo mucjiso ah ama uu ahaa Dayax Gacmeed.
Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow Waxa uu sheegay in waxyaabahaas weyn magalada ay aad ugu soo dhawaadeen ilaa iyo haddana aan la ogeyn waxa lagu tilmaamo taasina ay cabsi ku abuurtay dadka magalada maadaama ay ahaayeen waxyaabo aan dhawaaqeen ama aan wax cod ah aan laheyn.
Sidoo kale waxa uu sheegay in tuulooyin hoostaga degmada Buulo Burde lagu arkay,laakin ilaa hadda aysan jirin wax dhibaato ah oo ay geesteen.
Dadka Degmada Jalalaqsi qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay xalay casbi soo wajahday wixii ka dambeeyey waxyaabaha aadka u weyn uu dushooda soo maray,isla markaana ay iyagu moodayeen in Magaalo dhan oo guureysay ay soo martay dushooda.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi.