Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay weeraradii u dambeeyay oo ay Al-Shaabab ku qaadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, isla markaana kula wareegeen.
Guhaad Maxamuud Cumar oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga dalka ayaa sheegay in la wareegitaanka deeganaada Gobolka Gedo ee Al-Shabaab ay masuul ka yihiin ciidamada Jubbaland.
Waxa uu sheegay in taasi ay ugu wacan tahay in aysan u tababarneyn Ciidamada Jubbaland sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Al-Shabaab dhawan guud ahaan laga saari doono Gobolka Gedo,isla markaana ay qorshahaasi dejiyeen si ay ula dagaalamaan l-Shabaab.
Ugu dambeyn waxa uu ciidamada Kenya ku eedeeyay in diyaaradahooda ay duqeeyaan ayna beegsadan Xoolaha, balse aysan duqeyn fariisimaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Sarkaalka