Isbitaalka Daaru-Shifaa ee Magaalada Muqdisho waxaa hadda jiifa dadkii ku dhaawacmay weerar duqeyn ah oo shalay ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Duqeyntaas ayaa waxaa khasaaro ka soo gaartay Qoys ka mid ah dadka ku nool tuulo lagu Magacaabo Daaraha Waceys oo duleedka ah Magaalada Awdheegle.
Mid ka mid ah ehelada dadka ku dhaawacmay duqeyntaas ayaa waxa uu sheegay in dadka duqeynta ku waxyeeloobay ay gaarayan ilaa 8 Ruux oo isku qoys ah kuwaas oo Afar ka mid ah ay aad liidato xaaladooda Caafimaad.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Afarta kale ay xoogaa xaaladooda wanagsan tahay deegaankiina looga soo tago.
Dhanka kale waxa uu sheegay in duqeyntaas lagu baabi’iyay Xoolo farabadan oo ay dhaqan jireen isla markaana aysan jirin cid ay u raacanayaan.
Hoos Ka Dhageyso wareysiga oo Dhameystiran Â