Wararka aan ka heleyno Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta ay ku soo duntay Goob Kaawa laga qodo qaar ka mid ah dadkii Kaawadaas ka Shaqeynayay mudada dhowrka Sanada ah.
Falkaan ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka keysaneey ee Duleedka degmada Kaaraan xili ay socotay Qodista Kaawada waxana la sheegay in uu ku geeriyooday mid ka mid ah dadka shaqeesta kaawada,sida uu Radio Dalsan u sheegay Gudoomiyaha Iskaashatada Gobolka Banaadir
Waxa uu sheegay in dhacdadaan ay tahay mid soo noq noqatay islamarkaana tira ka dhowr jeer ay dad Shaqaalaha Kaawada ka tirsan ku geeriyoodeen.
Waxa uu ugu baaqay Masuuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir in ay ka Cawiyaan Baldoosyada lagu qodo Kaawooyinka Xataa ay diyaar u yihiin in ay ka kireestaan sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka