Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa soo saartay Bayaan la xiriira xaaladaha kala duwan ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo xiisado dagaal oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ay ka taagan tahay.
Bayaanka ay soo saareen Culimadda Somaliyed, ayaa waxa ay kaga digeen cawaaqib xumo ka dhalan karta xaaladaha ka taagan Gobolka Sool.
Waxa ay ugu baaqeen Somaliland iyo Puntland in arrimahooda ay ku xalistaan qaab wada hadal ah, islamarkaana ay joojiyaan colaada halkaasi ka taagan.
Culimadda ayaa ka digay Barakaca iyo burburka ka dhalan kara sii socoshada xaaladaha kacsan ee nawaaxiga deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa shalay aroortii ku dagaalamay deegaanka Tukaraq, walina halkaasi waxaa ka taagan xiisad dagaal oo labada dhinac u dhaxeysa.
Hoos Ka Dhageyso 5 Qodob oo ay Culumadu ka soo saareen Dagaalka Tukaraq oo uu Akhrinayo Gudoomiyaha Hay’adda Sheekh Bashiir Axmeed Salaad.