Xildhibaanada Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay Cudurka Shuban-Biyoodka oo Maalmihii la soo dhaafay ka dilaacay qeybo kamid ah Gobolada Maamulka Soomaaliland.
Qaar kamid ah Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in ay horay dhibaato ugu qabeen abaar ka dilaacday deegaanada Soomaaliland balse xiligaan taasi ay dhamaatay inta badana uu roobkii Guga uu ka Da’ay Gobolada Soomaaliland caqabada haatan taagana ay tahay Cudurka Shuban-Biyoodka.
Waxa ay sheegeen in ay yihiin dowlad dhisan iyo Shacab garab taagan,islamarkaana loo baahan yahay in la sameeyo Gurmadyo dhinac walbo leh inta uusan u faafin Gobolada kale.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa qeybo kamid ah gobolka togdheer waxaa dad badan uu ku dilay cudurka Shuban-Biyodka taas oo hada naqatay hadalheynta ugu badan deegaanada Maamulka Soomaliland.
Hoos Ka Dhageyso Codka