Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Shaqa  joojin iyo Xabsi la isugu daray guddoomiyihii degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir Cumar Shariif Maye,kadib markii lagu eedeeyey inuu shaaciyey warar lidi ku ahaa Xukuumadda Soomaaliya looguna gefay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Radio Dalsan ayaa helay Cod qarsoodi ah oo laga duubay gudoomiyihii Xamarweyne Cumar Shariif Maye,isaga oo sheegayay in Xukuumadda Kheyre ay tahay tan ugu masuqmaasuqa badneyd abid taariikhda dalka iyo sidoo kale waxa uu eedeyn u jeediyey Booliska oo uu sheegay iney qaraxyada iyaga ka dambeeyaan.
Qoraal ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa Shaqadii looga joojiyey Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maye,waxana warar aan heleyno ay sheegayaan in uu ku xiran yahay Xarunta dambe barista ee CID-da.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyihii degmada Xamarweyne.