Xalay ayaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ku dilay Qof Shacab ah oo ka mid ahaa dadka ku nool Magaaladaasi Baladweyne.
Askariga ayaa la sheegay xili uu marayay Agagaarka Saldhigga ciidamada ee ku yaalla Xaafada Buundaweyn uu ka shakiyay qofka Shacabka oo Magaciisa lagu sheegay Xasan Cabdulle isla markaana uu rasaas ku furay sidasna uu ku dhintay sida uu Dalsan u sheegay taliyaha howlgelinta Ciidamada Booliska Baladweyne Carab Yuusuf Nuur.
Taliyaha yaa sidoo kale sheegay in intaasi kadib ay howlgal sameeyeen ciidamada Booliska howlgalkaas oo ugu dambeyn lagu soo qabtay Askarigii ka dambeeyay dilkaas qofka Shacabka ahaa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Goobta uu falkaan ka dhacay dhowr mar dilal loogu geystay Askar ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya taas oo shakiga dhalisay balse Askariga wax dilay Maxkamad lageyn doono.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha howlgelinta Ciidamada Booliska Baladweyne.