Warar kala duwan ayaa ka soo baxayo xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya halkaas oo la filayay Maanta in uu ka furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya,waxana jira buuq farabadan oo Xarunta ka taagan.
Wariyayaashii ku sugnaa Xarunta golaha ayaa isaga soo tagay kadib markii loo diiday in ay Xarunta galaan,wxana sidoo kale la arkayaa Ciidamo farabadan oo ku sugan xarunta Baarlaamanka.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo Dalsan la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Xarunta Golaha Shacabka ay la wareegeen Ciidamo taabacsan guoomiye Jawaari kuwaas oo xildhibaanada u diiday in ay galaan gudaha Howlka shirarka ee Xarunta Baarlamaanka.
Xildhibaan Cabdi Casiis Cabdullaahi Dhagaqool oo banaanka hore ee Xarunta Golaha kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Jawaari Baarlaamnkii uu u adeegsaday Awoow,isla markana uu ku jiro qodob xasaanada looga qaadi karo.
Sidoo kale xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in Gudaha howlka Golaha Shacabka ay ku jiraan gudoomiyaha Baarlamaanka,kuxigeenkiisa 2aad iyo ciidamo ay wataan.
Arrintaan ay ayaa ku soo aadeysa xili kal hore Gudoomiye Jawaari shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in Xarunta Golaha Shacabka ay xoog kula wareegeen Ciidamo ay dirtay xukuumadda Soomaaliya,isaga oo dalbaday in laga qaado,waxana ciidamadaas laga qaaday mudo laba maalin ka hor ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaanka.