Ciidamadaan oo ka mid ahaa Ciidamada Milateriga Guutada la magac baxay (Gacan Libaax) ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa la sheegay in ay ku bireen Maamulka Puntland,iyaga oo ka soo baxay taliska guutada oo ay ku xareysnaayeen.
Dhamme.Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax) oo ciidamadaas hogaaminayay ayaa sheegay in Maamulka Soomaaliland ay ku joogeen Gobolka Sool Ciidamada haatan ku biiraan kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland.
Ciidamada oo gaarayay 110 Askari ayaa waxaa soo dhaweeyey masΓ’β¬β’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid ahaayeen Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland,S/Guuto Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe) iyo Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Korneyl Cumar Cabdullaahi Maxammed (Fara-weyne) iyo masuuliyiin kale.
Taliye ku xigeenka Guud ee Difaaca ciidamada Puntland Mudane Siciid Shoodhe ayaa soo dhaweyey ciidamadan wuxuuna sheegay inuu uga mahad celinayo soo noqoshadooda deegaanadooda.
Tallaabadaan aya Ciidamada ka tirsanaa Milateriga Soomaaliland ugu soo biireen Maamulka Puntland aya ku soo aadeysa xilli xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ay weli ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Sool.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliye ku xigeenka Guud ee Difaaca ciidamada Puntland Mudane Siciid Shoodhe.