Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo dad Shacab ah xili uu marayay deegaanka Teedaan oo hoostagta degmada Maxaas gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha degamda Maxaaas Muumin Maxamed Xalane ayaa Warbaahinta u sheegay in gaariga rasaasta lagu furay uu ka yimid tuulo teedaan islamarkaana uu ku sii jeeday degamda Maxaas.
Waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku geeriyoodeen Darawalkii Gaariga iyo Askari ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Gaar aahn Guutada 10,,aad halka laba Haween ah oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Gaariga uu soo gaaray dhaawac.
Dhacadaan ayaa waxa uu ku eedeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab oo ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan gaar ahaan degamda Moqokori ee Gobolkaas.
Hoos ka Dhageyso Codka