Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay Wadada xiriirisa Balcad iyo Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle Wadadaas ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro jidgal ah.
Taliska qeybta 27,d ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa bilaabay howlgal rondo ah oo ay wadadaas ka sameynayaan wallow bilihii la soo dhaafay uusan ka dhicin wax weerar ah.
Maanta ayaa waxaa taliyaha qeybta 27,aad ee Ciidamada xoogg dalka soomaliya Maxamuud Maxamed Macalin Koronto uu tegay isaga iyo ciidamo la socday halka loo yaqaano Haansheekh oo u dhow tuulada Gololeey ee degmada Baldcad halkaas oo weeraradii ugu darnaa ay Al-Shabaab ka geysteen.
Taliyaha ayaa sheegay in Wadada xiriirisa Balcad ilaa Jowhar har iyo habeen ay rondo ka sameyn doonaan ciidamada si aysan u dhicin weeraro ka yimada dhanka Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan in wadadaas asyan xirmin isla markaana waqtigaan ay tahay mid amni ah oo cidkasta ay mari karto.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.