Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgalka ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameynayaan gudaha Magaalada muqdisho kaas oo looga soo horjeedo ciidamada dowladda ee Hubka culus  u dhexwata gudaha Magaalada muqdisho.
Sarkaalka ayaa sheegay in deegaanka ay iyaga ku sugan yihiin iyagoo farabadan oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Somaaliya aan lagu xadgudbi Karin islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay iska celiyan cid walba ee iskudayda in ay hubkooda ka qaada.
Sidoo kale waxa uu hadaliisa intaas ku daray in aysan suurtagal aheyn in hubka laga qaado amaankoodana uu yahay m id halisgeli kara islamarkaana aysan jirin cid damaanad qaadeysa amaankooda taasna ay micneheedu tahay in Al-Shabaab lala shaqeynayo sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso codka