Maamulka Gobolka Nugaal Puntland ayaa shaaciyay in Ciidamada amaanka Maamulkaas ay ku guuleesteen soo qabashada Nin horay Magaalada Garoowe ugu dilay Haweeneey Uur laheyd.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne,oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ninkaas uu sibareer ah u dilay Haweeneyda Uurka leh intaas kadibna uu baxsaday basle ugu dambeen la soo qabtay.
Waxa uu ugu baaqay Shacabka ku nool Gobolka Nugal in ay kala Shaqeeyaan soo qabashada cid walba oo dembi ka gasha Shacabka si Magaalada Garoowe iyo Guud ahaan gobolka Nugaal ay amni u noqdaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.