Todobadyadii la soo dhaafay qeybo ka mid ah gobolka Gedo waxaa faaruqiyay qaar ka mid ah ciidamada Kenya oo ka mid ah howlgalka AMISOM kuwaas oo ilaa iyo hadda aysan shaacin Saraakiishooda sababta ay u baxayaan balse Maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqay in ay wadaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Maxamed Cabdullahi xariir Ciise taliye ku xiegenka Ciidanka Nabad-Sugida Maamulka Jubbaland ayaa sidaasi u sheegay Dalsan Wareysi uu Maanta siiyay isaga oo ka hadlayay warar uu sheegay in ciidamada Kenya looga been abuuray oo ah in gobolada Jubbooyinka iyo Gedo in ay ka baxayaan.
Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamada Kenya  iyo kuwa Jubbaland ay howlgal ka fulin doonaan Goboladaas qeybaha ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin si ammaanka loo xaqiijiyo.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay awood u leeyihiin in dhamaan ay xqiijiyaan amniga gobolada Jubbooyinka iyo Gedo sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran