Dibadbaxayaal Saakay aroortii loo diiday in ay ku dibadbaxaan Taalada Daljirka Daahsoon ee Magalada Muqdisho ayaa soo maray qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay ka mid ahaayeen dowlad diid doonimeyno iyo Erayo kale.
Qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo Shuxuurtooda muujinayay ayaa waxa ay sheegeen in ay taagersan yihiin dowladda, isla markaana iyaga caburin lagu hayo sida ay sheegeen.
Qaarkood ayaa aaminsanaa in ay heleen waqtigaan dowlad cadaalad ah.
Diabadbaxayaasha oo lugeynayay ayaa markii ay soo gaareen Wadada Sayidka oo ku dhow dhismaha Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa rasaas ku furay Ciidamo Booliis ah oo ku sugan Goobta.
Qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo Dalsan ay dareenkooda weeydiisay ayaa waxa ay sheegeen in ay Sharcidaro aheyd in dad dowladda taageeraya la rasaaseyo.
Hoos ka Dhageyso Warbixin uu ka diyaariyay Wariye Cabdi Nasir Yuusuf Socdaal  kana Daawo Sawirrada.