Gelinkii dambe ee Maanta ayaa qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee M/Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Carafaad ee degmada Yaaqshiid waxaa dagaal uu  ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida soomaaliya iyo rag ka tirsan  Al-Shabaab.
Ciidamada Nabadsugida ee dagaalka la galay Al-Shabaab ayaa waxaa la socday taliyaha Ciidanka Nabadsugida degmada Yaaqshiid,waxana Maamulka gobolka Banaadir ay goobta uu dagaalka ka dhacay ku soo bandhigeyn Meydka ruux ay ku sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab.
Taliyaha Nabadsugida degmada yaaqshiid iyo ciidamadii uu hogaaminayay iyo Afar rag ah oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in agagaarka isbitaalka Carafaad uu ku dhexmaray dagaal kooban.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud, Guddoomiye kuxigeenkaAmniga  iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka dhacay,iyaga oo soo bandhigay Meydka Nin ay sheegeen in uu ka mid ahaa raggii Al-Shabaabka ahaa ee la dagaalamay.
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud ayaa sheegay in dagaalkii dhexmaray ciidamada Nabadsugida iyo Al-Shabaab ay ku dileyn mid ka mid ah halka mid kale uu baxsaday,isaga oo dhaawac ah,sidoo kalena dhankooda ay ka dhaawacmeen laba Askari sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud.