Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay howlgal ka fuliyeen Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyagoona gacanta ku dhigay deegaano ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ku sugnaayeen.
Howlgalkan ayaa waxa ay Ciidamada dowlada kula wareegeen deegaano hor leh oo Al-shabaab ay gacanta ku hayeen,waxaana kamid ah deegaanka Ceelka Bari ee ku yaalla Duleedka Magaalada Baladweyne gaar ahaan dhanka galbeed.
Taliyaha Ciidanka Xasilinta Baladweyne ayaa sheegay in maanta Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ay howlgal ka fuliyeen Duleedka Baladweyne,isla markaana Ciidamada dagaalamayaasha Al- shabaab ay kala wareegeen ilaa iyo lix tuulo oo ay fariisin ku lahaayeen.
Sidoo kale wuxuu sheegay Taliyaha in howlgalkan ay sameeyeen Ciidamada dowlada federaalka oo kaliya,aysan kala qeyb gaadan Ciidamada AMISOM.
Howlgalka intii uu socday ayuu tilmaamay Taliyaha Ciidanka Xasilinta in Al -shabaab aysan kala kulmin wax iskacaabin ah.
Xaalada deegaanadii maanta uu dagaalka ka dhacay ayaa hadda degan,waxaana ku sugan Ciidamada dowlada Soomaaliya.
Â
Hoos ka dhageyso Codka Taliyaha.