Shalay  Gelinkii dambe ayaa  Xarunta Hay’adda dembi-baarista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu xiray Suldaan Xaamud Aadan Mataan oo ka mid ahaa Salaadiinta ka soo jeeda Soomaaliland kana mid ahaa Odayaashii soo doortay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Suldaanka ayaa la sheegay in xiliga la xirayay uu ku mashquulsanaa xalinta dhul la’isku heystay balse ciidamada dowladdu ay xireen taas oo sababta  ilaa iyo hadda aan la soo bandhigin sida ay sheegtay Senoter Nuuro Faarax Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanadii uu soo doortay.
Senoter Nuuro Faarax Jaamac oo markale la soo xiriirtay Radio Dalsan ayaa sheegtay in Suldaanka lasiidaayay kadib markii Hay’addaha Amniga iyo Siyaasiyiinta Beesha uu ka soo jeedo markii ay wada hadleen.
Waxa ay sheegtay in weli Hay’addaha amniga aysan u sheegin sababta ay u xireen Suldaanka iyo wiilka uu adeerka u yahay ee la socday.
Hoos Ka Dhageyso Codka Senoter Nuuro Faarax Jaamac.