Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay,Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay  in shirka uu horay u iclaamiyay Axmed Madoobe Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland uu yahay mid aan maslaxad ugu jirin dadka Soomaaliyeed balse ay muhiim tahay in shirkaas dib loo dhigo.
Injineer Camay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la isugu tago magaalada Muqdisho, isla markaana la wada hadlo.
Weli waxaa taagan khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug kaas oo keenay in Axmed Madoobe uu ku baaqo in uu martigelinaayo shir lagu xalinayo khilaafka Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada.
Hadalka Camey ayaa imaanaya xili Wararka qaar ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii uu ku baqan lahaa shirkaas.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee madaxweyne ku xigeenka