Maanta waxaa Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ku shiray xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug,kuwaas oo sheegay inay xilkii ka qaadeen Guddoomiye Cali Gacal Casir.
Hayeeshee Cali Gacal Casir ayaa waxa uu sheegay in kuwa Maanta ku shirey dhuusamareeb ay ahaayeen Dad Shacab ah,isla markaana la soo abaabulay kana qaadi karin xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
“Kuwa ku shirey Dhuusamareeb waa Shacab leysku keenay oo wixii la yiraa yeelayo xilna igama qaadi karaan,guddoomiyaha sharciga ah waa aniga,waxana idin sheegayaa in wixii ka dhacay Dhuusamareeb ay ka dambeeyaan dad doonaya in Galmudug lagu kala tago.
Tallaabada Maanta ay qaadeen qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Magalada dhuusamareeb ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xilli shalay Aqalka sare ee Soomaaliya ay shaaciyeen in la joojiyo mooshinada iska-daba ordaya ee ka socda Dowlad goboleedayda,isla markaana ay wafdi u diri doonaan.
Hoos ka Dhageyso Cali Gacal Casir.