Shalay ayaa deegaano hoostaga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa lagu arkay diyaarado dagaal oo jawi hoose ku socda deegaanka docoleey oo 45km u jirta Magaalada Cadaadoe e gobolka Galgaduud taas oo casbi ku abuurtay Shacabka Magaaladaas.
Maamulka Magaalada ayaa waxa ay sheegeen in diyaaradahaas qaarkood ay duqeeyeen dhul baadiyo ah,isla markaana ay burburiyeen Geedo ay dadku hasran jireen taasina ay cabsi ku abuurtay Shacabka reer miyiga ee deegaanka Docoleey.
Guddoomiyaha Deegaanka Docolleey Cilmi Axmed Aadan jabuuti ayaa sheegay in  Diyaaradaha Joogga Hoose Ku Socda ee lagu Arkay Deegaankaasi ay dhibaato ku hayaan Shacabka,isla markaana argagax ay ku rideen Shacabka iyo xoolaha intaba.
Waxa uu sheegay in diyaaradahaas oo aysan garaneyn halka laga leeyahay ay xadgudub ku yihiin deegaankooda,waxa uuna sheegay in todobaadkii mudo laba jeer ah ay deegaanka soo maraan mararka qaarna ay duqeeyaan dhulka Miyiga ah taasi ay Shacabka casbi ku abuurtay.
Weli masuuliyiin sar sare ee maamulka Galmudug kama hadlin xadgudubka Diyaaradahaas helicoptarada ah ay deegaanka Docoleey ee Gobolka Galgaduud ku sameeyeen kuwaas oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Itoobiya.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha deegaanka Docoleey ee Gobolka Galgaduud.