Kadib markii uu 17 Bishaan Wabiga Shabeelle deegaannada uu ka maro gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka biyo keenay ayaa waxaa iminka soo baxaya cabsi laga qabo in wabiga uu fatahaad sameeyo.
Deegaannada Cabsida ay haatan ka taagan tahay ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Jowhar Soomaali ee duleedka Magaalada Jowhar,waxana dadka deegaankaas ay sheegeen in ay biyo badan dareemeen,iyaga oo ka cabsiqaba in wabiga uu ku soo fataho.
Masuuliyiin uu horkacayay gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa kormeeray deegaanka Jowhar Soomaali iyo deegaano kale,waxa ayna sheegeen in sameyn doonaan qorshooyin looga hortegayo.
Qaar ka mid ah Bulshada ku nool deegaanka jowhar Soomaali iyo deegaannada kale ayaa waxa ay ka dalbadeen Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe in ay sameeyaan waxyaabo ka difaacaya in uu wabiga ku soo fataho.
Hooska Dhageyso Warbixin uu Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi.