Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa marka hore ka hadlay Khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland ,isagoona eedeeymo kala duwan u jeediyay dowladda.
Cabdiraxmaan Faroole oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa dowladda waxa uu ku eedeeyay in ay faragelin ku heyso Doorashooyinka maamul Goboleedyada dalka,isla markaana soo hadal qaaday Doorashadii ka dhacay Baydhabo,taasi oo uu sheegay faragelintii lagu sameeyay in ay ka dhalatay dhibaatooyin kala duwan,kuwaasi oo sababay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac iyo mid burbur hantiyeed.
Sidoo kale waxa uu sheegay Faroole in dowladda ay faragelin xoogan ku sameeysay Doorashadii ka dhacay Puntland oo ay ku bixisay lacago farabadan,hayeeshee ay ku guuldareysatay arrintaas,waa sida uu hadlka u dhigay.
Isaga oo sii hadlayay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa waxa uu tilmaamay in dowlada ay Carqalad ku wado doorashada dhawaan la filaayo inay ka dhacdo deegaanadda Jubbaland,isla markaana ay dooneyso in halkaasi ay Musharaxiin geysato.
Dhinaca kale Faroole ayaa dowlada dhexe ku dhaliilay qaabka ay u socdaan arrimaha Dastuurka dalka,isagoo sheegay in  afarta Sano ee dowladda uu hogaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka harsan tahay wax ka yar laba sano,isla markaana aysan jiri waxa Dastuur ah oo la qabtay.
Hadalkan ayaa waxaa uu sheegay Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole soo dhaweeyn uu Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ugu sameeyay Senataro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka kana soo jeeda deegaanada Puntland oo halkaasi gaaray.