Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowlad goboleedka Galmudug ayaa xiligaan waxa ay ka cabanayaan mushaar la’aan soo wajahday taas oo ay sheegeen in jawaab deg deg ah laga bixiyo.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in mudo Saddex Sano ah aysan helin wax mushaar ah isla markaana aysan helin cid ka jawaabtay cabashadooda.
Waxa ay sheegeen in ay ku Shaqeeyaan duruufo adag sida in aysan helin xaquuqdooda,Daryeel Mushaar, Guno iyo wax la mid ah,waxa ayna dalbadeen in Madaxda Galmudug ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan cabashadooda.
Ciidamadaan ayaa sida aan Wararka ku heleyno waxa ay gaarayaan ku dhawaad 300 oo Askari kuwaas oo sheegay in hadii aan laga jawaabin cabashadooda isla markaana aysan helin xaquuqdooda ay Shaqa joojin sameyn doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Saraakiisha Ciidamada Booliska Galmudug.