Guddoomiyaha Xisbiga Ilays ahan Xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa waxaa uu eedeeyay u jeediyay Madaxda dowladda Soomaaliya.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa Madaxda dowladda ku eedeeyay inay dhegaha ka fureystaan arrinta Maqaamka Muqdisho oo isaga horkacayo arrinta Maamul loogu sameeynayo Gobolkaan Banaadir.
Sidoo kale Xildhibaan Cosoble ayaa Carabka ku dhuftay in shacabka Caasimadda ay isu soo bixi doonaan,isla markaana ay ku dhawaaqi doonaan maamul ay doorteen ayna raalli ka yihiin lana xisaabtamayaan.
“Dadka Gobolka Banaadir degan waa dadka kaliya ee maanta dowladda Dhexe ayaga ku haayo, canshuur ku haayo, amni ku haayo, ciidan ku haayo, hadana looma ogolo in Duq Magaalo iyo Guddoomiye Gobol soo doortaan, inta aan la gaarin maqaam Caasimad, caasumadda maxay noqonayee, anaga waxaa rabnaa Gobolka Banaadir inuu yeesho Gole deegaan ay dadka soo doortaan â€ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.
Si kasbata Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa kamid ah Mas’uuliyada siweyn u horboodaya in Maqaamka uu yeesho Gobolka Banaadir,waxaana jeer dowladda uu ku eedeeyay arrimo uu uga hadlaayay arrinta Maqaamka Gobolka.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan C/qaadir Cosoble.