Wararka naga soo gaarayo gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa ku waramaya in xalay gudaha magaaladaas lagu rasaaseeyey gaari ka yimid deegaanka Jeexidin oo ku yaala bariga Mudug.
Wariyaha Radio Dalsan ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in gaariga la rasaaseeyey uu ahaa Booyad biyo dhaamin ka sameyneysay deeganada ay abaaraha ka jiraan ee gobolka Mudug.
Goobjooge uu wariyaheenna la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ilaalada garoonka Galkacyo ay rasaas ku fureen gaariga booyada oo marayey meel waxyar  ujirta isla garoonka.
Halkana hoose ka dhageyso Codka.
Audio Player