Taliska Booliiska Soomaaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ka dambeysa xarigga xoghyihii arrimaha gudaha xisbiga UCID,waxaana talisku ay ku eedeyeen in uu aflagaaddo kula kacay masuuliyiin ka tirsan Somaliland.
Gaashaale Sare Faysal Xiis Axmed Taliyaha ciidanka Dembi barista Somaliland waxa uu sheegay sababta ka dambeysa xarigga Xoghayaha in ay tahay kadib markii uu dacwad ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka kadibna ay ku cadaatay taas oo aheyd aflagaaddo sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo faah-faahin kasii bixinayay eeddda Maxamud Cali Hayste (RAMAAX) waxa uu yiri waxa uu af-lagaaddo iyo ceebeyn u geystay guddoomiyaha baarlamaanka isaga oo ku tilmamaay sida uu yiri in uu xiriir la leeyahay dad cadaw ku ah Somaliland.
Halkaan Ka Dhageyso CodkaÂ