Degmada Xamarweyne waxaa Maanta ka dhacay weerar lagu rasaaseeyay Gaari ay laheyd Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.
Weerarkaas ayaa waxaa ku geeriyooday Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Canab C/llaahi Xaaji iyo Axmed Jaamac Xersi oo ay dhashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.
Batuulo oo Wareysi siiyay radio Dalsan ayaa xaqiijisay dhimashada Wiilkeeda iyo Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Balse macadeyn sababta loo weeraray Gaarigeeda iyo cidda ka dambeysay falkaas khasaaraha geestay.
Wiilka ay dhashay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa dhawaan ka yimid dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Canada halka Canabna ay kasoo laabatay Dalka China oo ay dhawaan u joogeen kulamo ay lalahaayee Haweenka Dalkaas.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga kana Daawo Sawirrada