Dhageystayaasha Radio Dalsan waxan u soo gudbineynaa Barnaamijka Todobadlaha ah ee Dooda Dalsan oo aan ku soo qaadano mowduucyo kala duwan.
Todobadkaan Barnaamijka waxaa looga hadlayaa Xiisadii Siyaasadeed ee ka taagneyd Cadaado oo ay xaliyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Xaaf iyo sidoo kale heshiiskii Dhuusamareeb ee Galmudug iyo Ahlusunna muhiimada uu u leeyahay Shacabka Gobolada Dhexe.
Barnaamijka waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Ximin & Xeeb Suldaan Cabdi Maxamed Suldaan Axmed Nuur oo ka mid ahaa Gudigii loo xil saaray xiiadii ka taagneyd Cadaado, Xildhibaan Garaad Yuusuf Qowqabo oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Maxamed Cali Cabdi oo loo yaqaano (Gaagaale)
Barnamijka waxa soo saaray isla markaana tebinaya Wariye Axmed Xuseen Cadoow.