Boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada Cadaado oo ay qeyb ka yihiin Masuuliyiinta Maamulka Magaaladaas ayaa Maanta waxa ay halkaasi ka dhigeen dibadbax lagu tageerayay Go’aankii uu qaatay Madaxweyne Xaaf.
Banaanbaxayaasha oo watay boorar uu ku sawiran yahay Madaxweyne Xaaf ayaa waxa ay sheegayeen in ay aad u taagersan yihiin Go’aankii uu qaatay oo ahaa tageerida xulufada Sacuudiga ee xiriirka u jaray dowladda Qatar.
Dhanka kale gudoomiyaha Magaalada Cadaado Cabdulaahi Cabdiraxmaan too’toole oo banaanbxayaasha la hadlayay ayaa sheegay in dibadbaxaan uu yahay mid Nabadeed kaas oo ay ku taageeraayan Go’aanki uu qaatay Madaxweynahooda Axmed Geelle Ducaale Xaaf.
Warkaan oo dhamestiran Waxaa Cadaado ka soo diray Wariyaheena Xasan Cali Nadaara