Maanta ayaa la filayaa in Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug uu ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo fanaanada Caanka ah Fartuun Axmed Sahal Birimo.
.Dadka Banaanbaxa dhigi doona ayaa waxa ay uga cabanayaan dil ilaalada Fartuun Birimo ay u geesteen dad Shacab ah xili ay doonayeen in ay kahor istaagaan Show ay ku dhiganeysay sida ay sheegtay mid ka mid ah haweenka ku nool magaalada Gaalkacyo.
Banaanbaxayaasha ayaa Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Gaalkacyo lagu arki doonaan iyaga oo soo bandhigi doona sida ay uga xun yihiin falkaas ay geesteen Ciidamo ilaalo u ahaa Fanaanada Fartuun Birimo.
Fartuun Birimo weli kama hadlin dilka ay dadka shacabka ah u geesteen ilaaladeeda iyada oo ay xusid mudan tahay in fanaanada ay showgeedii xalay ku qabsatay Magaaalada Gaalkacyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka