Qaar ka mid ah dadka ku nool Waaxda Xalane ee degmada Wadajir gaar ahaan Xaafada Gaheyr ayaa Maanta waxa ay dhigeen banaanbax ay uga cabanayeen in xoog looga kicinayo dhul ay degan yihiin.
Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay sheegayeen in Guryaha ay degan yihiin la iskudayayo in xoog looga kiciyo,iyaga oo halkaasi deganaa laga soo bilaabo ilaa Sanadkii 1980,kii.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in dhamaan dowladihii dalka Soomaray ay deganaayeen halkaas,balse hadda xili Habeen ah loo yimaaday dhulkii ay deganaayeena la cabiranayo.
Intaas kadib waxaa Goobta gaaray intii uu banaanbaxa socday Gudoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xassan iyo taliyaha Qeybta Booliiska Waliyow Cade Col, Maxamed Daahir si ay xaalada u qaboojiyaan.
Cumar Cabdullaahi Xassan Gudoomiyaha degmada Wadajir oo banaanbaxayaasha la hadlayay ayaa sheegay in qof walba oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay in uu banaanbaxo isla markaana laga doonayo in ay guddi iska soo saaran sidii xal looga gaaro wixii ay tabanayaan.
Marwo Sahra Maxamad Axmad oo ah lataliyaha dhanka sharciga ee SWDC ayaa markii dambe xarunteeda oo aan goobtaas ka fogeyn isugu geysay odayaashii degaanka maamulka degmada iyo taliska booliska waxayna ka codsatay in dadka nugulka ah ee cabanaya xuquuqdooda la siiyo waxaana markii dambe lagu qanciyay wax garadkii degaanka iney gudi wakiilo ah ku darsadaan gudoomiyaha degmada si uu ugu geeyo gudoomiyaha maamulka gobalka banaadir mudane taabid Cabdi Maxamad cabashadoodana ey isga la hor fariistaan dibad baxuna uu sidaas ku joogsado.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.