Badeecadahaan ay Maanta soo bandhigeen Maamulka Magaalada Garoowe ayaa  isugu jiray Raashin,Cabitaan iyo dawooyin waxa ayna sheegeen in ay ahaayeen kuwo waqtigoodu dhacay sida ay Warbaahinta u xaqiijiyen masuuliyiinta dowladda hoose ee Magalada Garoowe.
Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada Dowladda hoose ee Magalada Garoowe Cabdi Casiis Maxamed Sheekh oo waxa laga waydiiyey qaabkii ay alaabtan usoo qabteyn ayaa waxa uu sheegay in Ganacsatadu ay iyagu ku soo wargeliyen in ay alaabtaas hayaan.
Waxa uu sheegay in dhowr mar ay u sameeyeen wacyigelin ku saabsan in asyan iibin alaab dhacday,isla markaana ay Ganacsatadu sidaas Go’aankii la faray ku qaateen.
Badeecadaan dhacday oo ay Maanta soo bandhigeen Maamulka Magaalada Garoowe ayaa waxaa Ganacsatadu ay amamulku ku soo wareejiyeen 25 Bishaan Maarso,iyada oo la filayo dhammaan in meel fagaaro ah lagu gubo.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada Dowladda hoose ee Magalada Garoowe.