Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa in ay yeeshan kulankoodii Caadiga ahaa kaas oo ay Maanta uga hadli doonaan kiiskii dhiibista Cabdi Kriin Muuse Qalbi Dhagax.
Sabtidii aan soo dhaafay ayaa kulanka Baarlamaanka uu u baaqday kooram la’aan iyada oo looga hadli lahaa arrinta Qalbi Dhagax,balse uu yahay kan Maanta mid xasaasi ah xildhibaanada qaarkoodna ay rajo ka qabaan in uu furmo.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa qaba in kulanka Maanta uu rajeynayo in uu u dhaco sidii loogu talo galay madaama xildhibaanada inta badan ay dalka joogaan kana soo laabteen gudashada waajibka Alle ee Xajka oo ay ku maqnaayeen.
Xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwan arrinta ku saabsan dhiibistii Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Madaxda Ururka ONLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya, xildhibaanada qaar ayaa qaba in arrintaasi ay aheyd mid qalad ah halka kuwo kale ay taagersan yihiin Go’aankii dowladda.
Kulanka Baarlamaanka oo Maanta ka duwan sidii hore ayaa ah mid ay dhegta ku wada hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo ka warsugaya natiijada ka soo bixi karta.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Dalxa