Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudey) ayaa waxaa looga hadlay Soo jeedinta Golaha ee joojinta soo dhoofinta badeecadaha laga heli karo gudaha dalka ee laga keeno dibadda iyo sidoo kale Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo soo jeedintaasi golaha ka hor aqriyay ayaa sheegey in ujeedada arintani ay tahay sidii ahmiyada loo siin lahaa badeecada laga soo saaro dalka taasi bedelkeedina la joojiyo badeecadaha dalka ka baxa oo dibadda laga keeno si buu “yiri†loo dhiira geliyay wax soo saarka dalka.
Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa sheegay in soo jeedinta uu soo jeediyay Xildhibaan Maareeye oo ay qaar ka mid Xildhibaanada aragtidooda ka dhiibteen uu la wareegay gugdiga uu quseeyo oo la kaashan doono wasaaradda ku shaqada leh.
“Soo jeedintani waxaa la wareegay guddiga ay quseyso, maadaama ay xildhibaanada aragtidooda ay ka dhiibteen, wuxuuna dabcan la kaashan doona wasaradda ay quseyso,markaasi ayaa go’aan laga gaari doonaaâ€, Ayuu yiri C/weli Weli Sheekh Ibraahim Muudey.
Wasiirka Wasaaradda Boostadda ,Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda ee Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa ayaa goob joog ahaa ,waxaana si toos ah ay uga jawaabayeen qaar ka mid ah su’aalaha ay xildhibaanada weydiinayeen.
Ajendaha ku saabsanaa ka doodista nuxurka Warbixintii guddiga madaxbannaan ee doorashooyika ayaa dib loo dhigay maalinta beri ah ka dib markii Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ay ka codsatay xildhibaanada golaha shacabka in ajendaha dib loogu dhigo maalinta beri ah oo si weyn looga doodi doono.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariye Farxiyo Muraad kana Daawo Sawirrada kulanka Baarlamaanka.