Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu hadlay kulan uu dalka Jabuuti kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu sheegay in Guddoomiye Mursal mar kale ay si wadajir uga hadleen arrimaha Baarlamaanka iyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii horey u dhexmaray labada Guddoonka,kadib markii uu Khilaaf ka dhex jiray in muddo,hayeeshee xal laga gaaray.
Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu tilmaamay in labada Guddoonka ay isla garteen inay Baarlamaanka labada Aqal ay si wadajir u wada shaqeyaan,maadama ay horyalaan howlo badan oo u baahan in la dhameystio.
Isagoo sii hadlaayay Guddoomiye CabdiXaashi ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay la kulmeen Guddoomiyaha Barlamaanka dalka Jabuuti ayna heshiis ku gaareen in la sameeyo Guddi ka kooban 12 xubnood oo labada dal ah ,kuwaasi oo xoojin doona xiriira ka dhexeeya Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti.
Si kastaba Guddoomiyeyaasha labada Aqalka ee Baarlaamanka Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti maalin kahor kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas,hayeeshee Guddoomiye Cabdi Xaashi oo shalay dalka kusoo laabtay.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka.