Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta kulan ku leh Xildhibaanada Maamulkaas,iyada oo la horgeyn doono Hindise Sharciyeedka Maaliyadda Miisaaniyadda ee Sanada 2018.
Kulanka Maanta ayaa waxaa la horgeyn doonaa Hindise sharciyeed la xiriira Maaliyadda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.
Wasiirka Maaliyadda Hir-Shabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay ka sokow ansixinta Golaha Wasiirada Hirshabeelle Saddex Hindise Sharciyeed ay hadana Maanta oo Talaado ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle horgeyn doonaan Miisaniyadda Sanada 2018.
Wax uu sheegay in mudada yar oo ay jiraan tan wixii ka dambeeyay markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ay Shaqooyin farabadan qabteen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hir-Shabeelle