Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen Gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas Sheekh Cismaan Bare Maxamed ka dib khilaaf soo kala dhex galay.
Arintaan ayaa timid ka dib markii xalay Magaalada Jowhar ee Xarunta Mamulka Hir-Shabeelle ay kulan ku qaateen Madaxweyne ku xigeenka maamulka hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi(Guudlaawe) iyo xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas.
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay garawsadeen dhibaatooyinka guud ee heesta dadka ku nool Gobolada iyo deegaanada uu ka kooban yahay maamulka Hir-Shabeelle ay joojiyeen mooshinkii ay ka keeneen gudoomiye Sheekh Cismaan Barre Maxamed.
Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Caddow ayaa Warbaahinta u akhriyay Go’aanka ay Mooshinka uga laabteen Xildhibaanada Maamulka Hir-Shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso Codka