Xilli Biya la’aan xooggan ay ka jirto deegaanada Gobolada Maamulka Hir-Shabeelle taasi oo ka dhalatay Kadib markii uu guray wabiga Shabelle ayaa waxaa uu Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle uu guddi u saaray u gurmashada dadka uu saameynta ku yeeshay wabiga Guray.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cismaan Barre Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ka baarlamaan ahaan waajibaadkooda uu ka mid yahay matalidda shacabka iyagoo taa ka tarjumayana uu baarlamaanku sameeyey Guddi ka kooban 17-xubnood oo kala Shaqeeya Masuuliyiinta Maamulka Hirshabeelle u gurmashada dadka ku nool jiinka wabiga Shabeelle.
Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa imanaya iyadoo inta badan uu guray wabiga Shabeelle deegaanadii uu dalka ka marijiray oo wax biya ah uusan wabigu hadda lahayn taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada intaba.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Baarlamanka Hir-Shabeelle.