Kulan deg deg ahaa oo ay Magaalada Jowhar ku yeesheen Gudiyada Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay uga hadleen sida laga yeelayo Xildhibaanada baarlmaanka Hir-Shabeelle ee ka maqan kulamada.
Gudiyada ayaa isla gartay in Kulanka Maanta ee Baarlamaanka lahorgeeyo qodobada qabanaya xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Xildhibaan Cabduqaadir faarax Shuutaale  ayaa sheegay in ay jiraan xildhibaano ku sugan Xamar kuwaas oo laga doonayay in ay dadkooda u Shaqeeyaan laakin arrintaasi ay u taallo Xeerka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.
Waxa uu sheegay in ay Baarlamanka Hir-Shabeelle Go’aan ku gaareen in Xildhibaankii Saddex ama 7 Maalin kulamada Baarlamanka Hir-Shabeelle ka maqnaada tallaabo laga qaado.
Warar haatan soo gaaraya Radio Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in uu baaqday kulan ay Maanta yeelan lahaayeen mudanayaasha Baarlmaanka Hir-Shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabduqaadir faarax Shuutaale.