Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed wqatigaan looga baaghan yahay in aysan u kala harin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay Al-Shabaab aan looga adkaan Karin in dadku markii ay dhibaato gaarto ay qeyqeyliyan balse loo baahan yahay ficil.
“Waxa aan leeyahay Culumada, hooyooyinka, dadka caadiga ah,dowladda, Ganacsatada iyo dhamaan dadku waa in ay kacaan ayna cadawga la dagaalaan, hana ogaadaan in an lakala jecleyn waxa kaliya looga adkaan karana ay tahay in looga hortago dagaal ayuu yiri Axmed Madoobeâ€
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Madaxda Hoteelada, iyo dhamaan Ganacsatada intii ay ogolaan lahaayeen in xoog Canshuur looga qaado ay muhiim  tahay in ay dagaalka ka wada qeyb qaataan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe.