Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey kulamo uu magaalada Nairobi kula qaatay xubno kala matalaya dowladda Ehtiopia iyo Jabhadda ONLF oo uu kulan uga socdo magaaladaasi.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in tilaabada wada-hadaladaasi ay ku bilowdeen ay tahay mid muhiim ah oo dhameystir u baahan si looga dhabeeyo hadafka dadka Soomaalida ee ku nool kilinka shanaad ee ismaamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia.
Hannaanka wada-hadalada labada dhinac ay u socdeen inta aysan hakadka galin guddiga dhax-dhaxaadinta ayuu tilmaamay inay tahay si wanaagsan oo natiijo fiican laga filikaro.
Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ee ku saabsan wada-hadalada labada dhinac ee Ethiopia iyo ONLF uga socday Nairobi ayaa imaanaya iyadoo wali wada-hadaladaasi aysan ka soo bixin wax natiija ah oo ku saabsan wixii looga wada-hada hadlay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe.