Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa soo saaray amaro cusub oo ku socda shacabka kunool Gobolka Banaadir.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa lagu mamnuucay in la isticmaalo Tubooyinka Bulaacadaha ee Magaalada Muqdisho,isla markaana shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu amar inay soo celiyaan Nalalkii lagu xiri jiray Guryaha ku yaalla Caasimadda, si bilicda dib loogu soo celiyo.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa warbaahinta u Akhriyay Wareegta uu soo saaray Duqa Muqdisho.