Gobolka Baay ee koonfurta Dalka kana mid ah deegaanada hoos yimaada Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ka dhacay arrin la yaab leh oo bulshada Gobolka ka yaabisay kaas oo ah Gabar jirkeeda dab ka dhashay samaynta ku yeeshay Guryo.
Gabadhaan oo deganeyd  Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay  ayaa iskaga baxsatay magaalada iyadoo gaartay degmada bardaalee ee isla Gobolka Baay halkaas oo waalidiinteeda ay degan yihiin.
Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale Ibraahim Roobow oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Gabadhan dhibanaha ah ay gacanta ku hayaan ayna tahay arrin ay bulshada la yaabeen maadaama jirkeeda dab qabsanaayo kaas oo gubaya guryaha ay gasho Gabadhu.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in agabka ay isticmaaleyso iyo waliba dharka ay xiran tahay uusan dabka ka kaceyn balse markii ay Guri gasho ay ka soo baxdo gurigaas uu gubanayo,isla markaana ay iyada dabkaas wax ka demineyso.
Saddex guri oo ku yaalla Baydhabo ayuu sheegay taliyaha in ay  gubteyn markii ay gashay, halka degmada Bardaale sidoo kale laba Guri ay gubteyn,isla markaana haatan Qur’aan la saarayo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha.