89, Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka  Maamulka Galmudug  75 ka mid ah ayaa waxaa Maanta loo furay tababar lagu baranayay ka hortaga Askareynta Caruurta iyo sidoo kale khilaafyada iyo dib u heshiisiinta.
Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo Goobjoog ka ahaa Goobta tababarka ayaa uga mahadceliyaya ciidamada Amisom ee tababarkaan u furay waxa uuna sheegay in Xildhibaanadu uu rajeynayo in ay wax badan ka faa’iidi doonaan.
Sidoo kale Madaxa howlgalka Amisom Ambasador Francisco Madeira ayaa sheegay in Amisom ay marwalbo garab taagan yihiin Walaalahooda Soomaaliyeed islamarkaana sidaan oo kale ay dhowr mar tababar u qabteen Xildhibaanada Galmudug.
Tababarkaan ayaa waxa uu socon doonaa mudo 5 Maalmood ah,waxana qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug oo la hadlay Dalsan ay sheegeen in ay wax badan ka faa’iidi doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta