Wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha  Puntland  ayaa waxa ay ka hadashay halka uu marayo tirakoobkii shaqaalaha rayidka Puntland kaas oo labadii Bilood ee la soo dhaafay  ka socday dhammaan Gobolada  iyo Degmooyinka Puntland .
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha  Puntland Cabdirisaaq Shire Ismaaciil ayaa sheegay in meel gabagaba ah uu marayo tirakoobkii guud ee Shaqalaha rayidka  Maamulka Puntland waxa uuna digniin u diray Shaqaalaha maqan ee aan wali is Diwaangellin.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ugu danbeen Diwaagellinta Shaqaalaha Puntland la soo gabagabeynayo 10 Bishaan Shaqaalihii  aan is diiwaagellinna  ay u aqoonsanayaan in ay yihiin Shaqaale aan kamid ahayn Shaqaalaha rasmiga ah ee Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirku Xigeenka Shaqaalaha Mamulka Puntland.
Â