Wararka ka imaanaya Degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xalay  Alshabaab ay duqeyn u gaysteen Saldhig Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Dagmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan .
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa madaafiic lagu tuuray Xarunta Ciidamada Amisom laakiin aysan ogayn khasaare ka dhashay duqayntaas.
intaas kadib waxaan la xiriirnay Taliyaha Ciidamada Amisom ee Jabuuti ee Ku Sugan jalalaqsi Kornayl Axmed Bariidh Bile waxa uuna beeniyey in Saldhiga ay Jalalaqsi ku leeyihiin loo gaystay duqeyn arintaasna ay tahay wax la been abuuray.
Kornayl Bariidh ayaa intaas ku daray jiraan hawlgal ciidamada Amisom ay ka wadaan degmada dadka degaanka iyo iyagana wada shaqayn fiican ay ka dhaxeyso.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Kornayl Axmed Bariidh Bile