Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka gedo ka dib markii Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee degmada Baardheere.
Dagaalka ayaa si gaar ah waxa u uga dhacay deegaanka Lugadheeere oo fariisin u ah Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya waxana la ogeyn ilaa iyo hada la khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Duqa Degmada Baardheere Shariif C/waaxid Shariif Aadan oo loo yaqano(Saxardiid) oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in weerarkii ugu yimid Al-Shabaab ay iska difaaceen islamarkaana uu ahaa mid Arbush ah sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in aysan jirin wax khasaaro ah oo dagaalkaas ka soo gaaray dhankooda balse ay baaritaano ku hayaan dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab.
Gaba gabadii waxa uu sheegay in xiligaan wixii ka dam beeya ay noqoneyso in Xarumahooda loogu tago Al-Shabaab maadama mararka qaar ay soo qaadaan weeraro islamrkaana haatan uu socdo howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga
Waxaa Duqa Degmada Baardheere Warestay Wariye Cabduqaadir Jakaarta